Taariikhda Sheekh isxaaq

Shiikh Isxaaq wuxuu ku aasan yahay Gobolka Sanaag Magaalada Barakeysan ee MAYDH. kana tirsan Jamhuurriyada SOMALILAND Xeebta Bada Cas (Red Sea ) 90 Miles North Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka SANAAG .. Wuuxana ka mid ahaa Culimada laga dhaxlay Kaaraamooyinka , DHaqanka , Hiddaha ,Nabada .iyo Barbaarinta DIINTA Islaamka .. Isla Gobolkaas SANAAG waxa Ku AAsaan Magaalo Madaxda Ceerigabo (ERIGAVO) iyo Nawaaxigeeda Culimo kale ay ka mid yihiin Shiikhyadii dhulka loogu yimid Sheekh SAMAROON Saciid ,East Ceerigaabo 19 Miles dooxada Booxa , iyo SHiikh ISSE Madoobe 45 Miles North Buuraha Raguuda ee Magaalada ERIGAVO Culimadaas dadkii ay ka Farcameen iyo inta ay sii dhaleenba sadexdaas Shiikh Waxaa idiin ku Waajib ah in aad uu Duceeysaan Awowayaashiin.

Haddii aan soo qaato SHIIKH ISXAAQ BINU AXMED BINU ILAYAAS wuxuu Masalihii dhigtay Magaalada Maydh. ee BAda Cas (RED SEA ) Halka uu SHIIKH DAROOD na uu Bustihii Dhigaty xeebta BADA Raas Xaafuun ee INDIA OCEAN.. . Markii ay dhulka hadda la yidhaado Somaliland iyo SOMALI ay soo caga dhigteen Labadaas ODAY .

Haaddii aan sii anba qaado Nooloshii Shiikh Isaaq Wuxuu ku dhashay Magaalada Hadda loo Yaqaan Molsan ee Wadanka Ciraaq Miyigeeda 80 miles North , shiikh markii hore waxaay ka yimaadeen Abaabihiis iyo Caailadiisu dulkan Yaman waxaana la dhashay 4 wiil shiikha ISXAAQ //,Shiikh Isaaq 14 jir markuu gaadhay Nasiiba daro waxaa Dhintay Abhiihiis AXMED Bino ILYAAS . .Waxaana bud dhigay ADEERKIIS ISSE BINU AXMED oo dadka qaar ku qaldaan shiikh ISSE oo ah dadka Jabuuti degan awowkood ..

GEERIDAAS Shiilh Isaaq ku Timi Goobta waxa joogay SHIIKH Inaadeerkiis XUSEEN BINU ISSE iyo afar wiil iyo gabadha uu dhalay.. .Tacsidaas iyo baroortaas waxaa fadhiyey Iheladii iyo Qaraabadii shiikha uu ka mid ahaa Walaakiis C/ RAXMAAN BINU AXMED iyo Wiil uu dhalay . .. Murugadaas shiikha ku timi Markuu Qaangaadhay . wuxuu ahaa nin qalbi adag oo ILAAHAY ku kal Soon Wuxuuna aad uu Taakuleenay -jiay DAdka Masaakiinta ah , iyo Dadka Xanuunsanaya /wuxuuna aad uu Jeclaa in sii barto quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nabiwiga ee Islaamla . dabadeed wuxuu wax barasho uu tegay Magaalda BAQDAAD oo ahayd Meesha ay Culimadu Islaamku isugu imin jireen oo ka mid ahayad saldhikii Xadaarada 2aad ee Islaamka ay ku soo qulqulayeen Jiidaas … Agoonkaas shiikh ISaaqa Lix sanadood (6yrs Later ) qiyaatii ka dib waxaa dulkaas ka dhacay doodo ISLAAMKA dhexdooda ah iyo MAHDABO kala duwan ee Diinta ku salaysan ,Dagaal Qabiil iyo dhul boob .Sida ay hadda Somalidu qaarkood ku dhaqmaan .Culimadu Diinta iyo Qabiilka isku dhafan ,,,…waxa kaloo weheliyey dhul dhurugsi iyo khilaaf ka dhexeeyey Qabiilada meesh deganaa Magaalada BAQDAAD .

Waxaa intaas uu dheeraa Ruxruxashadii BOQOR TOOYOOYINKA iyo Kala Hufkii iyo ka Haadintii Xuduudada beelaha Carbeed ,,,,,…dabeed SHIIKHU wuxuu Talo ku gaadhay in ku noqodo Baradiisii uu ku dhashay iyo Eheladiisii ay Isku beesha ahayeen. Ee degaanaa Nawaaxika Molsan Reer binu HAASHIM .

In uu Weheshdo reerihiisii, ,Arrintii markii ay soo gaadhay colaadii Bardii shiikhu ku dhashay waxay uu qaxeen ilaa dulka loo yaqaan YAMAN ay AWOOWAYASHII ka yimaadeen Reer ILAYAAY BINU COOFI., Si aad uu fahantaan wadamada carabta ma jirin waqtigaas . Laakiin meelo yar yar baa waxa ka jiray boqortooyin iyo Xoolo dhaqato …aan dib uu halacsadee Taariikhada SHIIKH ISAAQ BINU AXMED BINO ILAYAAS BINU COOFI BINU HAASHIM .

Waxay reer HAASHIM soo caga dhigteen xadka YAMAN iyo Sucuudiga uu dhaxeeya ..Nasiib daro waxa ka hor yimi shufto ku saleeysan Qabiil iyo iska Caabin markii ay maqleen warkaas dulka BAQDAAD iyo Jiidaas Laga soo sheegay ,,ay Safardoodii ka yimi uu sheegeen .. Juhaladii meeshaas deganeed ..waxay la galeen dagaal ….dagaalkaas waxa ku dhintay walaalkiis iyo laba ay ilmaadaar ruma yihiin iyo Adeerkiis dhamaantoood ilaahay how WARAABIYO JANADII , Nasiib Wanaag shiikhu isagu wuu ka badbaaday waana guuleyteen . Murigadaas Labaad ee SHIIKH ISXAAQ ku dhacday Waxaa Hadana loo soo sheegey geeridii Hooyadii AMINA Mudo Yar ka dib .Sida Taariikhdan ku Cad .
Wuxuu soo Bidhaansadoba wuxuu shiikh soo caga dhigtay Jiidaas Magaalo Madaxda Sanca ee hadda loo yaqaan 120 miles East . halkaas ay ku saaxiibeen beelo abti uu ahaa SHIIKH ISXAAQ .. ..waxuuna sii kororsaday Cilimika Islaamka iyo Saadaasha , Seygoolajika , iyo Juraafiga Islaamka uu mudo badan ku hawlanaaa deeganadaas …. ilaa uu gaadhay derejadii iyo karaamooyinkii dadka ilaahay Jecel yahay .

Markuu ahaa 29 jir waxaa loo doortay Abaanduulaha beelaha abtiyadii uu wax badan ka soo hooyey xagga NABADA iyo Garaadka Waxbarashada Quraanka iyo Safarka loo socdaalayo Xajka . .Dabdeed beelihii meesha deganaa ayaa Gabadh siiyey ugu beegan INAABTI Magaceeda aan ilaaway .markii aan baadhay Gutubta MAYDH Taal 1964 uu kacantiisa ku qoray Shiikhu . Nasiib wanaag waxay uu dhashay laba wiil iyo gabadh Haaruur ,Xuseen iyo Suleekha in kastuu uu Haaruun iyo suleekha ay dhinteen ,Laakiin uu Xuseen ka tegay dad hadda ku dhaqan wadanka Yaman .

Dadkaas qaar ka mid ah baan ku arkay Magaalada Meydh 1962 Aniga oo aabahay la Socoda uuna iskaya baray ,,Dadkaasi way Iman jireen Magaalda Maydh barkii hore iyaga oo wata DOON aad looga Naxo oo Jajaban . Sanadkii Mar bay iman jireen Xeebtaas Maydh ,Nasiib Daro dadkaas Reer Shiikh Isaaq . mar banbe maan arkin .,waxayna ka mid noqdeen Taariikhihii la aasay markii laysku daray Somalilweyn ..

Mudo ka dib SHIIKII ISXAAQ wuxuu nasiib uu helay in uu noqdo Hogaanka Culimada waaweyn ee Jiidaas ; wuxuuna ka mid noqday afartii nin ee loo doortay in ay ka qayb galaan Fidinta diinta ISlaamka Kuna faafinayaan Dulka ABASIINIYA ilaa East Africa ,Markii ay ka soo gudbeen Bada Cas (Red SEA) ,waxay Culimadii Fadhiisan ka dhigteen Magaalda HARAR halkaas ay kula gulmeen Culimo Kale ee Isku Qadiyad ahaayeen ee ka yimi Wandanka Masar. ay isku Baheysteen Walaalo Xagga Islaamka .. Shiikh Isaaq iyo culimadii la socotay si Fiican baa loogu qaabilay waxaanaa loo fududeeyey in ay dadkii la hadlaan ,

Isla markaas Shiikh wuxuu ka mid Noqday 10 kii NIN ee Culimada ahaa ee loo xil saaray in ay sii anba qaadaan oo sii fidiyaan Xilka saran ee diinta Islaamka i ..Shiikh wuxuu Safaro ku kalaa bixi yey Deegaanka Gojam ,Wolo. Gurage, Sillee, ADARE ,.OROMO ,walaita, iyo GONDAR

ee hadda ka mid Dulkan Itoobiye
dabeed culimadii ay Meesha ugu yimaadeen ee reer Masar waxaay sii hoosahaana ula shireen Xukuumaddi Booqtoodii Ethopia iyo qaar ka soo jeeda Diinta Kiristanka ee meesha Joogay ,dabadeeed shiikhu wuxuu goostay in ka Haajiro Arligan Ethoopia ama dulkan ABASIINIYA ee munaaqadu ka socotay kana daba tago dadkii ka firdhaday Gumeysiga Ithoopia . ee ku fiday Dulkan hadda loo yaqaan Somaliland . halgaas ayuu ka bilaabay Shiikh Isaaq safarkiisii Magaalda HARAR waxa la socoday Maalitaasi Shiikh Isxaq 1400 boqol oo isku jira Culimo ,iyo Xaasaskoodii ,iyo arday baranaysa Diinta Islaamka .ay isku baheyteen Walaaltinimo.. Heel iyo hoona lagab Taagan yihiin , Shiikhu waxuu Bilaabay Socodkii markuu Tugaday Saladii Cishaha wuxuuna labistay Dharkii Dagaalka ,Seeftii uu watayna dhabka ayuu xidhay ,Gacanta midktana wuxuu ku qaatay KITAABKA Kariim ah ,Kacanta Bidixdana wuxuu ku qabsaday Hogaankii Faraska uu raacayo ,Labada garbna wuxuu sudhay Weysadii iyo Maslihii uu ku tuganayey

Taariikhda wixii ka qaldan waad soo sixi kartaan.


7 comments:

  1. sheekada waxaa ka maqan inta taariikhda ugu muhiimsan.
    xiliyadii ay ahayd , sanadkee bishee ( Dates )

    ReplyDelete
  2. Ars maxaa quraafaad aan jirin la aqoray oo la doonaayo dad maangaab ah in maskaxda looga waalo. Wax qabiil la yiraah ma jiro ee waxaa jira qoowmiyad ama jinsi. Kaasan waa Soomaali wax ka hooseeeyaa waa reeka ama qoyska. Waa wax soomaali la haray qbiilka aan la aqoon iyo awoowo 20 tanaad ama 30 danaad oon la aqoon sanadkuu dhashay iyo xilaga uu noolaa.

    ReplyDelete
  3. Waxa aan kuu saxayaa
    Abtirsiinta sheekh isxaaq waana sidan

    1. Isaaq

    1. إسحاق

    2. bin Ahmed

    2. بن احمد

    3. Bin Mohammed

    3. بن محمد

    4. Bin Hussien

    4. بن حسين

    5. Bin Ali

    5. بن علي

    6. Bin Mudhar

    6. بن المطهر

    7. Bin Abdalla

    7. بن عبد الله

    8. Bin Ayup

    8. بن ايوب

    9. Bin Mohammed

    9. بن محمد

    10. Bin Qasim

    10. بن قاسم

    11. Bin Ahmed

    11. بن احمد

    12. Bin Ali

    12. بن علي

    13. Bin Eisa

    13. بن عيسى

    14. Bin Yahya

    14. بن يحيى

    15. Bin Mohammed Al Taqi

    15. بن محمد التقي

    16. Bin Ali Al Caskari

    16. بن علي العسكري

    17. Bin Mohammed Al Jawad

    17. بن محمدالجواد

    18. Bin Ali Al Reda

    18. بن علي الرضا

    19. Bin Musa Al Kathim

    19. موسى الكاظم

    20. Bin Jafar Al Sadiq

    20. بن جعفر الصادق

    21. Bin Mohammed Al Baqir

    21. بن محمدالباقر

    22. Bin Ali Zainal Al Abiden

    22. بن علي زين العابدين

    23. Bin Imam Al Hussien

    23. بن الامام الحسين

    24. Bin Ali

    24. بن على

    25. Bin Abu Dalib

    25. بن أبوطالب

    26. Bin Abdulmuddalib

    26. بن عبدالمطلب

    27. Bin Hashim

    27. بن هاشم

    ReplyDelete
  4. Ta labaad ee aan kuu saxayaa waxa weeye Gudabirsi iyo Ciise lama hayo buug ku tilmaamay in ay ahaayeen sheekhyo diimeed!

    Markaa title kaas sheikh ee aad ugu wacday waa QALAD!

    Gudabiirsina lamaba hubo abtirsiintisa oo buugta qaar baaba qoraya in gabadh iska dhashay

    ReplyDelete
  5. Gudabiirsi shiikh isku waqti maaha waa DIR waa ina wiil faracdii shiikhaa dhashay waa isku isir. Gudabiirsi.akishe .gurgure.jaarso.gure.wardaal.layiile.gariire.jiido..waa madaxweyne DIR.vilse waa madoobe DIR. Mahe DIR waa xabuusho/ magaado = Isaak loo yaqaan

    ReplyDelete
  6. Waxaan kaa saxayaa irir samaale baad katagtay oo shiikha ku hooyo ahaa aabihiina uu Zimbabwe u dhashay

    ReplyDelete